Maalinta Saadaasha Hawada Adduunka!
Maanta oo ay ku beegan tahay maalinta saadaasha hawada adduunka 23 Maarso 2024, haddeynu nahay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada – JFS waxaan hambalyo u direynaa khubarada saadaasha hawada adduunka oo dhan si gaar ah khubarada soomaaliyeed, u heellanaanta iyo fahamka ay u leeyihiin saadaalinta cimilada.
Sooomaaliya oo ku taala Juquraafi ahaan geeska afrika kuna dhirirsan badweynta hindiya ilaa iyo badacas ayaa ka dhigaysa mid muhiimad gaar ah u leh saadaasha hawada ee geeska afrika, taas oo saamayn ku yeelanaysa habka cimilada iyo dhaqdhaqaaqa cimilada ee gobolka.
#MaalintaSaadaashaHawadaAdduunka #WorldMeteorologicalDay 🌧️
Waxii faah-faahin ah fadlan la xiriir Xafiiska Warbaahinta Wasaarada Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada
media@moecc.gov.so
https://www.instagram.com/moecc.somalia
Tweets by MoECC_Somalia

